|
KULAN
AY SOO QABAN QAABIYEEN GUDDIGA XUQUUQUL INSAANKA OGAADEENIYA
EE WADANKA HOLLAND.
May
26, 2004
Shir
ay soo qabanqaabiyeen guddiga OHRC ayaa waxa lagu gabtay magaalada
Utrecht ee wadanka Holland. Kulankan oo ay
ka soo qayb galeen dad aad u fara badan oo ah dad ka tirsan
Jaalliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee ka nool wadanka Holland.
Shirka
waxaa furtay Deeqa Cabdi Daahir oo ahayd xiriiriyaha shirka
waxayna soo dhawayn iyo bogaadin u soo jeedisay dhammaan dadkii
ka soo qayb galay shirka; ka dibna waxay shirka ku soo dhaweeysay
Farrax Maxamed Arab oo dadka warbixin gaaban oo ku saabsan sida
ururku u shaqayo iyo waxyaabaha uu qabto ka hadashay. Farrax
markii ay khudbadeedii dhammeysay ayaa waxay hadalka u gudbisay
Kiin Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka Xuquuqul Insaanka
Ogaadeeniya ee wadanka Holland.
Kiin
waxay si aad ah warbixin uga bixisay waxqabadkii ururkan intii
uu dhisnaa waxyaalihii uu soo qabtay, carqabadaha ururka hortaagan,
waxyaalaha ururka uu rabo mustaqbal in uu qabto iyo sida uu
ururka u wada shaqeeyo iyo xiriirka uu la leeyahay ururada kale.
Waxaa
kale oo ay kiin sheegtay in si aad ah loogu baahan yahay in
dadka u dhashay Somalida Ogaadeeniya ee ku nool wadankan Holland
in ay gacan siiyaan ururkan sidii markaa uu ururkani u noqon
lahaa mid midho dhal ah oo gaadha hadafkii loo dhisay.
Kiin
markii ay dhamaysay warbixinteeda waxay hadalkii ku wareejisay
Soyaan oo ah xubnaha ugu firfircoon ururka oo asna ku daray
in ururkani yahay mid muhiim ah oo u baahan in la garab istaago
.
Hibo
Cabdi ayaa iyaduna halkaas ka hadashay oo hadalo qiiro leh ka
soo jeedisay. Kadib markii warbixinadu dhamaadeen waxaa bilaabatay
dood kulul oo dhexmartay dadkii shirka isugu yimid oo qof walba
uu soo jeediyey wixii uu u arkaayey sida ugu fiican ee ururku
ku najixi karo.
Wuxuu
guddiga OHRC soo bandhigay sawiro naxdin leh oo laga soo qaaday
Ogaadeeniya waxaa kaloo halkaas lagu qaybiyay warbixintii ururka
uu soo saaray sannadkan 2004 bilowgiisii.
Waxaa
la go'aamiyey in saddexdii biloodba in mar la isugu yimaado shirkan
oo kale, Dadweynihii shirka ka soo qayb galay oo wajigooda farxadi
ka muuqato ayaa aad u soo dhaweeyay fikradahii uu ururku la
yimid wayna ku raaceen.
Guddiga
Xuquuqul Insaanka Ogaadeeniya ee wadanka Holland.
Shukri
Duulane
Ogaden Human Rights Committee (OHRC)
|